Puntland Iyo Galmudug Oo Loo Baqayo Iney Mar Kale Ku Dagaallamaan Gaalkacyo

Warar goor dhow aynu ka helnay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay ka jirto magaaladaasi kadib hub uruursi ay bilaabeen ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Bartamaha magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa in aad looga dareemayo maanta xiisaddan u dhaxeysa Labada dhinac, waxaana jira ciidan badan oo magaaladaasi gaarey.

Lama oga waxa keenay in hadda hub uruursi isku bilaabaan Labadan maamul oo heshiisiintooda dhibaato badan laga soo maray, balse waxaa la sheegayaa iney dhacdooyin horey ay arrintan aad u daba hayso.

Puntland iyo Galmudug ayaa marar badan ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo, mana jirin wax faa’ido ah oo ay dagaalkaasi ka heleen, marka laga soo tago shacabka la laayey ee Labada dhinac.

La soco wixii soo kordha 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)