Odayaasha Muqdisho oo Madaxweyne Farmaajo uga digay inuu col ka dhigto labo beelood oo kala ah….

Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa fariin digniino ah ka helay dad wax garad ah kuwaas oo uga digay iney Dowladiisu colaadiso qabaa’ilka ugu xoogan Muqdisho oo ah fadhiga ugu rasmiga ah ee Dowladda.

Farmaajo ayaa ku balan furay beelaha Abgaal iyo Habar Gidir kuwaas oo uu dhamaan ka balan qaaday xilka Ra’iisul wasaaraha ,laakiin waxaa uu badalkeeda xilka siiyay beesha Murusade oo ka mid ah beelaha Hawiye.

Lama yaqaano waxa uu madaxweynuhu ka yeeli doono beentii uu u sheegay beelahaas oo uu ku yiri mid walba xilka waan idin siin doonaa markii aan kasoo laabto Sacuudiga laakiin si lama filaan ah ayuu u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo Murusade u dhashay saacado ka hor intii uusan Sacuudiga aadin.

Hadii uu Farmaajo rabo inuu Xamar ku shaqeeyo waxaa uu ku qasbanaan doonaa soo laabashadiisa inuu labadaas beel ka raali galiyo balan ka baxyadii uu ku sameeyay ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha sar sare ee golaha dhaqanka beelaha Hiraab oo Habar Gidir iyo Abgaal ay ku jiraan.

Nabadoonkaan oo diiday inaan magaciisa xigano waxaa uu sheegay in Farmaajo uu rabo iska hor imaad dhex mara beelaha Hawiye iyo in lagu ciyaaro Dowladnimadii bilaabatay ee Somalia.

Nabadoonku waxaa uu sheegay in Hiraab aysan hada duulaan ku aheyn Farmaajo iyo walaalahood Murusade oo xilka Ra’iisul wasaaraha la siiyay balse ay rabaan iney heleen waxa ay mudan yihiin madaama ay yihiin cududa ugu weyn beesha Hawiye.

“Farmaajo waxaa u roon inuusan farta isku soo fiiqin ,ma rabno inaan u laabano meeshii shalay aan ka nimi , cidna ma colaadin doono hadii aan mudnaanteena helno laakiin waxaan kula talin lahaa inuusan isku colaadin Habar Gidir iyo Abgaal ayuu yiri

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu rabo inuu wasiiro muhiim ah ku qanciyo labadaas beelood.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Daacad says:

    A/c waxaan Aad ulayaabanahay. C/qaasin laga soo bilaabo Ilaa madaxwayne xasan. Been uun baa madaxawaynu. Nin kasoo xili jiray. Isagu. Filaayo inuu. Lashaqeeyo. Maxaa kabadalan. Oo farmaajo sameeyay? Waa su aal laga rabo dadka. Aaminsan. Maxaa rer hebal. Raysal wasaare loo siiyay Oon u arko. Fikir khaldan. Mid uun baan. Madaxwaynaha. Kula xisaabtamaynaa. Waxqabad. Iyo. Wada shaqayn. 2020 waxaan filayaa. In madaxwayne. Uu noqdaa. Rer. Hargaysa. Raysal wasaarana. Beesha. Rer xamar. Ama beelwaynta. Jarerwayne. Waynasandoonan. Beelihii. Qoryaha. Badnaaa. Sida. Hawiye. Ama daarood. 26 sano. Ayaan. 4.5. Ku lumay. Hore halo Socdo aan kafakaro. Ilmaheena. Dalkeena. Dad Keena. Diinteena. Waa arti. Aan Aamiin Sanaa Waligay.

  2. haamud says:

    oo kaalay hadaan abgaal iyo habar gidir lagasoo magacaabin wax kala soconaayo majiraan

    mise xamar caasida umada ma aha ee waa hoy qabiil iyo qabtaalad

  3. lii says:

    labadas beel hadaan la qancin wax kala socanaayo mlhn waxa meesha ka socdo waa kaaga kula lihi keygana anaa is kale

  4. Isse says:

    Nabadoon diiday innan magaciisa la xuso waa munaafaq adinkana isku sheegaa warbaahin warsugan keena hadii kale munsfaqada joojiya umada waa wada somali caadimadaba somali baa leh qod gaar u leh ma jirto

  5. CAdulahi says:

    Marka Hore salaan iga Gudoma salaam Bahda websitka leh. midda kale xilkaan ma ahan dhaxaltooyo Abkaal iyo Habar gidir midna ee waxaa uu ka dhaxeeyaa dhamaan umadda ku atirsato Hawiye. lixda oday ee ukala baxa kii loo dhibaa waa in ay ku wada qancaan kuwa kale waayo hal kursi hal qof ayaana ku fariisan lahaa. midkuu ilaah u calfay ayaana ku fariistay ee ma ahan xiligaan in dagaal ooganimo loo laabta. midda kale murasade waxa uu haben xigaa labada qabiil ee aad sheegteen waxay wadaagaan Hiraabnimo. mrka waxaa su’aal mudan intii dawladda kumeel gaar ah dhisneyd waxaa madaxwayne ama ra’iisal wasare soo noqday Abgaal ama Habar Gidir mudda lix labaatan sano ah maxay qabteen oo aan ka ahayn loma dhamo iyo umulo dooxnimo.1991-2017.
    waxay keenen figir qabiil waa lagu raacay hawiyihii kale waa ognahay meesha ay ku danbaysay, Hadana waxay keeneen figir kanacsi dhiiga bani aadamka meesha ay ku danabaysay waxaan u ahayn goob joge, waxaay keeneen figir diini ku dhisan qoomi meesha uu ku dhamaaday waan ognahay, waxay keeneen figir qaybin dalka waa midda hadda taagan.oo ka muuqato waxay lahaayeen waxbaad ka heli doontaan. mar intaa markaan isku darno waxaa soo baxaya waxa hawiye halleyey in ay yihin labadaan qabiil oo ku diray qabaa ilada ee ladagan deegaan gobalada koonfurta soomaaliya, iyo gobadala dhaxe.sidaa darteed waxaa lajoogaa xilligii soomali wayn ka tashan lahaayeen labadan qabiil ee buun buuninaysaan.hadday ay is leeyihiin Caasmidda ayaad haysataan oo ad ku xoog leedihiin taa waa beentood
    Talo waxaan usoo jeedin lahaa Beelaha ku abtirsada Hawiye ee wanaaga ku caan baxay iyo samairka in ay soomali wayn dhinacooda ka raacaan.midda kale ogow aniga sidaan kula hadalayo in aan ka soo jeedo Hawiyaha aan ahayn Hiraab.

  6. haaruun says:

    taasi waa fikrad qaldan