Nuxurka Khudbadihii Musharixiinta hadashay

Waxaa hada soo dhamaatay qeybtii 1-aad ee Khudbadihii ay Baarlamaanka usoo jeedinayeen Musharixiinta utaagan Xilka ugu sareeyo Dalka

waxaa hada hadalka jeediyay 3 Musharax oo soo koobay Waxqabadkooda hadii ay hantaan xilka ugu sareeyo Soomalaiya.

1- Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Sakariye ayaa Baarlamaanka usoo bandhigay qorshihiisa wax qabad ee uu la iman doono hadii ay Xildhibaanda labada aqal udoortaan inuu Dalkan hogaamiyo Sanadaha soo socdo.

Waxa uu hal heys ka dhigtay Waryaa Soomaali ah oo uu sheegya inuu uga gol leeyahay sidii uu isugu keeni lahaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee dunida ku kala firdhisan sida uu sheegay.

Musharaxa Sakariye ayaa usheegay in Xildhibaanda hadii ay ka fekerayaan hormar ka hana qaada Dalkan looga baahanyahay iney isaga udoortaan madaxweynenimada Soomaaliya.

Waxa uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday inuu aad uga xunyahay in dalkan Soomalaiya uu Dowladd la’aanyahay mudo kusiman rubuc Qaran.

Hadii la doorto Sakariye wuxuu tilmaamay inuu meesha ka saari doono heyb sooc lagu sameeyo sida uu sheegay Beelaha Soomaalida qaarkood.

waxa uu yiri “Waxaan ka hortagi doonaa hebel waa laandheere, hebel waa laangaab, kani waa Gun ama waa Gob taas ayaa ah mida dib udhaca galisay dalkeena”

Waxa uu sidoo kale khudbadiisa kusoo hadal qaaday Arimaha dhaqaalaha dalka, wuxu sheegay inuu kobcin doonno dhaqaalaha Soomalaiya haduu hanto Xilka loo tartamayo.

Ugu Danbeyn Xildhibaanada ayuu ugu baaqay iney codka siiyaan si uu isugu keeno dadka Soomalaiyeed, uuna ubaabi’iyo kala fogeynta Shacabka

2- Bashiir Raage Shiiraar:

Waxa uu ku bilaabay Khudbadiisa ka sheekeynta taariikhdiisa halka uu ku dhashay xiliga uu dhashay iyo waxa uu soo qabtay mudadii uu Muqdisho ku sugnaa.

Waxa uu Bashiir Raage Xildhibanaada ka hor sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay Muqdisho kula dagaalameen xili sida uu yiri ay ka badnaayeen inta ay hada yihiin.

Waxa uu arintaa kala jeeday Dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray Maxaakiimtii iyo hogaamiye kooxeedyadii dalka kajiray.

Bashiir Raage Shiiraar ayaa Khudbadiisa kusoo koobay oo kaliya 12 daqiiqo, waxaana uusheegay in Xildhibanaada ay doortaan maadaama uu yahay ruux dalka samata bixin kara

Bashiir ayaa sheegay inuu awood uleeyahay inuu dalka amnigiisa guud ahaan hanto, soona afjaro dagaalka Dowladda ay kula jirto Al-Shabaab.

Bashiir Raage Shiiraar ayaa Madasha ka sheegay in hadii xilka loo doorto uu bilaash ka dhigi doonno Goobaha waxbarashada si ardada Soomalaiyeed ay uhelaan waxbarasho Tayeysan Misana Bilaash ah.

Ugu Danbeyn waxa uu sheegay inuu qabo rajo ah inuu hanto xilka ugu sareyo Dalka.

3- Jibriil Ibraahim Cabdulle:

Waxa uu umuuqday musharaxa kaliya ee inta hada hadashay udiyaarsanaayeen Khudbadiisa dadaal badana ku bixiyay diyaarinteeda maadaama ay uqodobysnaayeen Hadal jeeidntiisa.

Ka sheekeynta Taariikhdiisa oo kooban ka dib waxa uu toos uguda galay hankiisa Madaxweyne iyo waxa uu kaga duwanyahay Musharixiinta kale ee la tartameysa.

Waxa uu ku faanay inuu suura galiyay dib uheshiisiin ka hana qaaday dalka iyo wadamada Soomalaiya dariska lah isaguna uu qeyb ka ahaa arimahaas.

Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xildhibaanda uu usheegay inuu horay uga badbaaday isku day la doonayay in isaga lagu khaarajiyo sida uu sheegay.

Jibriil ayaa sheegay in hadii la doorto arimaha uu isbadalka ku sameyn doonno ay qeyb ka yihiin

Wax ka qabashada Arimaha Amniga, Xoojinta xiriirka Soomalaiya iyo Dalalka Caalamka, Wadahadalada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, Muhsaar siinta Shaqaalaha Dowladda iyo wax ka qabahsada Arimaha Cadaaladda.

Waxaa hada la aaday Salaada iyo Qadda Saacad kadib ayaa la isku soo laaban doonnaa, waxaana hadalka qaadan doonno 4 Musharax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud,  Siciid C/llaahi Deni, DR. Saciid Ciise Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)