Nolosha Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Shariif Xasan oo halis ku jirta (SABABTA)

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inuu fariimo hanjabaad ah udiray xildhibaanada doonaya iney mooshinka ka keenaan.

Wararka laga helayo magaaladda Baydhabo ee xarunta Koofur Galbed ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay soo foodsaartay xildhibaanadii mooshinka ka keenay Shariif Xasan.

Qaar kamid ah Xildhibaanadaas oo hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Shariif Xasan uu qorsheynayo inuu cabsi geliyo.

Fariimaha hanjabaada ah ee loo diray xildhibaanada waxaa kamid ah in la dili doono hadii ay joojin waayaan arinta ka dhanka ah madaxweynaha ee la wado.

Ku dhawaad 70 xildhibaan oo katirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa qorsheyanaya in 20-ka bishan ay barlamaanka horgeeyaan mooshin xilka looga tuurayo madaxweyne Shariif Xasan.

Si kastaba, cabsida soo wajahday xildhibaanada ayaa keeni karta in si deg deg ah loo joojiyo arintan mooshinka ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay