Nin toogtay Carruur uu awoowe u ahaa..

Baarayaal heer sare ah ayaa Koonfurta Gobolka California ee dalka Maraykanka u tagay sidii ay ku baari lahaayeen Nin oday ahaa oo toogtay laba caruur ah oo uu awoowe u ahaa.

Awoowahaan ayaa toogtay gabar laba jir aheyd iyo wiil yar oo isna Afar jir ahaa, xilli ay ku sugnaayeen, guri ku yaalla Koonfurta Gobolka California.

Cesar Lopez, oo 53 jir ah, ayaana xabsiga la dhigay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gobolkaasi.

Weerarka ayaa dhacay saacaddu markay tahay 9.15 am ee xalay, waxa uuna ka dhacay aagga Muscoy, ee bariga magaalada Los Angeles.

Baarayaasha ayaa sheegay in Lopez uu guriga ku heystay hub Afartii sano ee lasoo dhaafay, waxa kaloo jirtay in guriga ay dad waaweyn joogeen xilligii musiibada dhaceysay, su’aalana la weydiinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here