Nin Hubeysan Oo Maqribkii Muqdisho Kula Dagaalamay Ciidanka Dawlada

Nin hubeysan ayaa waxa Toogasho uu ka fuliyey salaadii maqribkii kadib Degmada Boondheere Ee Muqdisho.

Ninkaas ayaa dilay qof shacab ahaa Oo kusugnaa agagaarka Taallada Daljirka dahsoon.

Gacan ku dhiiglaha ayaa isku dayey inuu baxsado iyadoo Askar Boolis ah ay is rasaaseyn daqiiqado socotay dhexmartay.

Tacshiiradaas ayaa sababtay in askari Booliska katirsanaa ku geeriyooday waxaana baxsaday ninkii hubeysnaa.

Xaalada Oo muddo cakirneyd ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay.