Home WARARKA Nin Cadaan Ah oo Soomaali Ku Dhaawacay Dalka USA oo Xukun Lagu...

Nin Cadaan Ah oo Soomaali Ku Dhaawacay Dalka USA oo Xukun Lagu Riday

1
0

Nin udhashay Waddanka Mareykanka islamarkaana Cunsuri ahaa ayaa sanadkii hore waxa uu Rasaas ku furay Soomaali Kusugneyd Dalkaasi.

Arintaan ayaa dhacday kadib markii Anthony Sawina oo hubeysnaa dhiniciisa ka maqlay Soomaali shan qof gaareysay oo ku qeylo dhaaminayey Innagu Muslimiin baanu nahay.

Maxkamad ku taalla Minesotta ayaa ku xukuntay Ninkaan la yiraahdo Anthony Sawina 39 Sano Xabsi ah kadib Dhaawaca Laba ka mid ah Soomaalida uu ugeystay sanadkii hore Bilowgiisa.

Waxa 26 Jirkaan Sawina uu sameeyey Lahji Naceyb Diinta Islaamka ah maadaama uu isagu yahay Kirishtaan balse garka loo geliyey Ganaax Xabsi Ciqaab Ah oo 39 Sano gaaraya.

Falka Ayuu Sawina ku fuliyey Bistoolad uu sitay xilligaasi oo ay wada socdeen Saaxiibtiis sida lagu soo bandhigay Cadeymaha Maxkamada la horkeenay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here