Nin Bistoolad Watay Oo Dad Ku Laayey Muqdisho & Warar Cusub Oo La Helayo

Ciidamada Amniga ayaa baaritaan ku haya sida ay wax uga dhaceen Beerta Khaat-ka Degmada Hodan,halkaas oo la sheegay in shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ay maanta ka dhacday.

Nin Bistoolad watay ayaa waxa uu isku dayey inuu dhac ka geysto Goob Khaat-ka lagu iibinayey balse buuq markii uu dhacay uu rasaas furay.

Inta la og yahay 2 Qof ayaa dhintay iyadoo Labo kalena ay dhaawacmeen rasaastii uu ninkaasi bistoolada watay furay kadibna uu baxsaday.

Lama sheegin halka uu katirsan yahay ninkaasi inuu Dawlada ahaa ama Shabaab ahaa,waxaana muddo Xaalad cakiran ay gashay Suuqa Khaat-ka lagu iibiyo oo ah meel mashquul badan.

Weerarkani waxa uu noqonayaa midkii labaad ee Maanta ka dhaca Muqdisho oo mid kale labo qof lagu dilay Isgoyska Bakaaraha.

Dhimashada guud waa 4 Qof iyadoo Labo dhaawaca uu yahay weerarada Qorsheysnaa Ee Maanta caasimada Dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here