NAXDIN: Oday 70 jir Ah Oo Maanta Gabar 7 Jir Ah Ku Kufsaday Muqdisho

Warar aan dhegaha uwanaagsaneyn ayaa lasoo sheegayaa oo laga diin waan geliyey Gudaha Magaalada Muqdisho.

Oday magaciisa lagu sheegay Jikaar Cabdi oo 70 jir ah ayaa sida la ogaaday kufsaday Gabar yar oo 7 sano jir ah Maanta gelinkii hore oo isniin aheyd.

Falkaan argagaxa leh ayaa ka dhacay sida dad lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen Dagmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Ninkaan xilliga uu samaynayey falkaan waxaa la joogay wiil yar uu adeer u yahay balse Booliska ayaa ku xiray Saldhig Galbeed marki la ogaaday eedesanaha.

Waxaa loo gudbiyey Saacado kadib Xarunta dambi baarista dalka ee CID-da Muqdisho.

Mid ka mida Saraakisha Xarunta CID ayaa inoo xaqiijiyey in kiiskaan Maanta gacantooda soo galay ayna faah faahino kalena bixin karin.