Naxdin:-Dhalinyaro Lagu Gowracay Degmada Jilib+Magacyadooda iyo Qabiiladooda.

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Axadii waxay afar nin ku gowraceen Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose.

Raggan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay u basaasayeen Dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Somaliya.

Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa uu Fagaaraha ka sheegay in raggaasi ay Maxkamadda ka hor qirteen in ay la shaqaynayeen dowladahaasi.

Qaadiga, ayaa sidoo kale sheegay in afartaasi nin ay fududeeyeen dilal qorsheysan oo diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, ay ku qaarajiyeen Saraakiil Shabaabka ka tirsanaa, oo lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Sandheere iyo Yuusuf Xaaji.

Wuxuu intaa ku daray in raggaasi ay sidoo kale fududeeyeen duqayn sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay xero ciidan, oo maleeshiyada Shabaabku ku leeyihiin Gobolka Hiiraan.

Ragga la gowracay oo dhalinyaro u badan, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire (Gallad) 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)