Natiijo lama filaan ah oo kasoo baxay Kulan Muqdisho ku dhexmaray DFS & Ganacsatada Qaadka

Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay Shir xasaasi ah oo u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiisha Socdaalka iyo Duulimaadyada Hawada ee Soomaaliya.

Shirkaas waxaa uu ku saabsanaa diyaarado diiday in ay Canshuur ku bixiyaan Muqdisho oo ka dagay Jowhar taas oo u muuqatay talaabo lagu xagal-daacinayo dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa amar buuxa ku bixisey in Qaadka ka yimaada Kenya sifo sharci ah loo canshuuro isla markaasna Kiiladii lagu canshuuro lacag dhan 2.5$, taas oo ah qiimaha Canshuureed ee ku waajibtay.

Talaabadaas ma farxad galin diyaaradaha Qaadka keena & Ganacsatada soo dajisa waxayna maanta bilaabeen talaabo aan farxad galin dawladda Faderaalka Soomaaliya iyagoo diidan bixinta canshuurta.

Warar ayaa sheegaya in go’aan adag ayaa lagu soo rogi doona diyaaradihii ka dagay Jowhar sidas oo kale waxaa suuragal ah in la qaado talaabo kale oo ku aadan Canshuurta Qaadka oo la kordhiyo taas oo horseedi karta arrin dhaqaale.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)