M/weynaha HirShabelle Oo Ka Hadlay Socdaalka Farmaajo Ee Puntland iyo Fariin Uu Udiray C/weli Gaas

Hogaamiyaha Maamulka HirSabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku bixinayo Deegaanada Puntland.

Waare oo Khudbad ka jeediyey Kalfadhigii 3aad Ee Baarlamaanka HirShabelle oo ka furmay Jowhar Shalay Khamiistii ayaa amaanay Safarka Nabada Ee Deegaanada Puntland M/weyne Farmaajo ku marayo.

Waxa uu Bogaadiyey Madaxweyne Waare sida ay isku xilqaameen dadka ku dhaqan Puntland iyo Madaxdooda sida Milgaha iyo Sharafta Leh Ee ay umarti sooreen Hogaamiyaha Soomaaliya Farmaajo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa fariin uu udiray Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada ahna Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas kaga mahad celiyey qaabka sharafta leh uu usoo dhaweeyey.

Hogaamiyaha HirShabelle Maxamed Waare ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay Shacabka Reer Galmudug inay soo dhaweyn la mid ah Dadka Puntland inay usameeyaan Farmaajo markii uu deegaankooda soo gaaro.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay