MW Waare oo kulankii sadaxaad oo qarsoodi ah la qaatay MD Farmaajo! Maxaa laga hadlay?

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo maalmahan dambe ku sugnaa Magaalada Muqadishu ayaa galabta waxa uu kulankiisii sadaxaad mudo todobo cesho gudahooda ah kula yeeshay Villa Somaliya Madaxweyne Farmaajo.

Kulankaan oo ay ku wehliyeen Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali Guudlaawe  iyo Wasiirka Isgaarsiinta ee Dowlada Fedraalka Eng. Canshuur ayaa ah mid si qarsoodi ah loo qaban-qaabiyay.

MW Waare ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu sidoo kale kulan qarsoodi ah la qaatay RW Kheyre. MW Waare ayaa u muuqda mid ka ganacsanaayo qadiyadda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda isaga oo ka dhuumanaayo madaxada kale ee Dowlad Goboleedyadda.

Baahin oo la xirirtay qaar ka mida masuuliyiinta xafiiska Ra’isal Wasaaraha  iyo Madaxweynaha  ayaa sheegay in kulankii galabta uu la yeeshay MW Farmaajo uu daba socday kulankii xalay uu la yeeshay RW Kheyre.

RW Kheyre ayaa waxa uu xalay balan qaaday in uu bixinaayo lacag joogta ah oo gaareyso $500,000 (shan boqol oo kun doolar) bilkastaa oo si qaasa loo siinaayo MW Waare hadii uu ka soo ga’o Ururka Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda.

Waare ayaa u sheegay saaxibadiisa ku dhaw-dhaw in uusan ka bixi doonin kana tanaasuli doonin qadiyadda Dowlad Goboleedyadda laakiin MW Farmaajo iyo Kheyre lacagta kaga qaadayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here