MW Laftagareen: “Waxa aan fulineynaa howlgal degdeg ah oo Waajid xayiraadda looga qaadayo”.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Degmada Waajid uga qaybgalay Caleemo-saarka Golaha Deegaanka ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu diyaar u yahay fulinta howlgallo go’doonka looga saarayo Degmadaas in uu ku dhaqaaqo.

Labo ballanqaad ayuu sheegay in Janaayo 2021 uu u sameeyay Shacabka iyo Maamulka Degmada Waajib oo kala ah Dhismaha Gole Deegaan & in Xayiraadda isu-socodka waddooyinka laga qaado balse tan koowaad ay dhaqan gashay.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa howl muhiim ah ku tilmaamay in Degmada Waajid loo furo Waddooyinka ku xira Baydhabo oo ah Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed & Xuddur oo ah Magaalada Madaxda Bakool.

“Safarkii igu horeeyay markii aan Waajid ku imid waxa ay dhamaan Bulshada iyo maamulka uu ahaa in aan jidadka u furno iyo dhismaha Gole Deegaan, waxa aan fulinay in Dhismaha Golaha balse tan furista Jidadka waa shaqada ugu horeyso ee aan qabaneyno si aan ugu furno Baydhabo kadibna kusii xirno Baydhabo” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

8-sano waxaa go’doon ku jira Degmooyinka Gobolka Bakool oo ay ugu horeyso Xuddur oo ah Xarunta Gobolkaas, Madaxweynaha DG Koofur Galbeed, Wasiiro ka socda Xukuumadda Federaalka, Saraakiisha qaybta 60-aad ee CXDS & AMISOM ayaa marar kala duwan ka shiray balse kuma aanay guuleysan in ay isu furaan waddooyinka.