Muxuu ahaa ujeedka kulankii dhex maray James Swan iyo Cabdi Xasan Maxamed?

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha qaramada Midoobe James Swan.

Shirkaan ka qabsoomay xerada Xalane ayaa diirada lagu saaray qaabkii ay dhinacyada ku shaqada leh isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga doorashooyinka soo aadan ee la filayo iney dhacaan 2020 ilaa 2021.

Barta twitter-ka hawlgalka qaramada midoobe ee soomaaliya ayaa lagu soo qoray qiraal ku saabsan kulanka labada dhinac, sidoo waxaa lagu faah-faahiyay qodobada kale ee lagu jeex-jeexay.

“Wakiilka qaramada midoobe wuxuu maanta la kulmay taliyaha ciidanka booliska. Gen. Abdi Hassan Mohamed, si uu ugala hadlo mowduucyo ay ka mid yahiin wada-shaqeynta hay’addaha amaanka Soomaaliya, iskaashiga daneeyayaasha iyo qorsheynta amaanka doorashooyinka nagu soo fool leh” ayaa lagu yiri qoraalka la daabacay.

Talisk Booliska Soomaaliyeed waxey sheegeen in kulankii dhacay uu ahaa mid muhiim ah isla markaana lagu qorsheeyay hanaankii loo sugi lahaa goobaha ay ka dhaceyso doorashada soo aadan.

Waxaa jira cabsi laga qabo weerarada kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay la beegsanayaan xubnaha dowladda iyo xarumahoodaba.