MUUQAAL: 8 Qof oo ku dhintay Garoon Ciyaar K/Cagta Lagu Daawanayey Kula Dumay Dalka Senegal

Ilaa 8 Qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Ciyaar Final aheyd oo ay Dadkaasi ku daawanayeen Caasimada Waddanka Senegal oo Darbiga Garoonka uu kusoo dumay.

Wakaalada Wararka AFP ayaa soo xigatay Wasiirka Ciyaaraha Senegal in dadkaasi ay isbuurteen markii darbiga uu soo dumay.

RIIX HALKAAN SI AAD UDAAWATO MUUQAALKA

Wasiir Matar Ba ayaa sheegay in gabar yar ay ka mid aheyd dadka dhintay waxaana kudhawaad 60 qof ay ku dhaawacmeen oo Cusbitaalka Magaalada Dakar la dhigay.

Wasiirka oo Qadka Taleefoonka kula Hadlay AFP waxa uu sheegay inaysan soo laaban doonin Dhacadadaan oo kale gudaha Dalka Senegal ayna ka feejignaan doonaan.

Kooxaha Gurmadka deg dega Ah iyo Dab damisyada Shaqaalahooda ayaana howl ballaaran qabtay markii shilka uu ka dhacay Garoonka K/Cagta Ee Soo dumay oo ay isku Arkayeen Labo Koox oo dheelayey Fiinaalka Koobka soccer league cup Waddanka Senegal.

Waxaa Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)