Musharaxii Ugu Horeeyay oo diiday dalab ugu yimid Xasan Sh – Waligey Kuuma Tanaasuli doono?

Hadal ka soo baxay Xafiiska Ololaha Doorashadda ee Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa lagu beeniyey wararka sheegaya inuu Murashaxaasi heshiis la gaaray Murshax Xasan Sheekh Maxamuud iyo inuu ka tanaasuli doono Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.

Afhayeenka Xafiiska u ololeynaya Murashax  Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, oo ay qaar ka mid ah Saxaafadda qoreen inay  ilo ku sugan Villa Somalia ka soo xigteen inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasuli doono Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayb yihiin.

“Marnaba lagama yaabo inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasulo Murashax Xasan Sheekh Maxamuud, waxna kama jiraan inay ka wada hadaleen qoddobkaasi” ayuu yiri Afhayeenkaasi, oo intaasi sii raaciyey in Shaqsiyaadka u ololeynaya Murashax Xasan Sheekh faafiyeen Borobogaandadaasi.

Dhinaca kale, Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa la saadaalinayaa inuu rajo xooggan ka qabo  xilka Madaxweynaha JFS,  waana Siyaasi galaangal badan oo saaxiibo badan ku dhex leh Labada Aqal ee BFS, isagoo  muddo dheer ahaa Mudane ka tirsan BFS.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)