Muqdisho Oo Maanta Hilib La’aan Iyo Qudaar La’aan Ay Ka Jirto, Maxay tahay sababta ?

Suuqyada magaalada muqdisho ee loo adeeg doonto waxaa sameen ku yeeshay xirnaashaha wadooyinka tan iyo shalay, waxaana jira dhibaatooyin lagala kulmay arinkaas oo ay sababeen wadooyinka xiran ee magaalada oo loo xanibay doorashada ka dhaceysa Afisiyooni.

Dalsan ayaa ogaatay inay suuqyada qudaarta Bakaare, Xamaweyne,Suuqbacaad iyo kuwa kale ee magaalada maanta ay ka jirto hilib la,aan iyo qudaar la,aan oo si aad looga isticmaalo gudaha muqdisho waxaana wariyayaasha Radio Dalsan ay soo warinayaan in maanta dadka muqdisho la,yihiin meel ay kasoo adeegtaan qudaarta iyo Hilibka ay cuni lahayeen, iyadoo ay sababtay xirnaashaha wadooyinka.

Qaar kamid ah ganacsatadda ayaa inoo sheegay inay waayeen meel ay suuqa usoo marsiiyaan Hilibka iyo qudaarta oo ay Gaadiid ku keeni jireen Suuqa,waxaana taasi ay sababtay in sicirka la,iibiyo qudaarta iyo hilibka inta yar ee la heli karo uu sare Ukoco.

Ma’ah kaliya waxaa ay sameen ku yeelatay suuqyada qudaarta muqdisho ee guud ahaan xirnaashaha magaaladu waxaa ay saameeysay nolosha dad badan waxaana Shalay oo ay xirneed muqdisho la arkayey Gaadiidka ciidamada oo daabulaya qaadka si ay ugeeyaan degmooyinka kale ee gobolka taasoo aad ay ula yaabeen Dadka Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)