Mooshin xilka ka qaadis ah oo laga gudbiyey wasiir ka tirsan xukuumadda Khayre

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay gudbiyeen Mooshin xilka ka qaadis oo ka dhan ah Wasiirka Duulista waddanka, Maxamed Salaad Oomaar.

Mr Oomaar, oo dhalashada Canada haysta, ayaa kamid ah xubnaha aadka ugu dhow ra’iisul wasaaraha waddanka, Xasan Cali Khayre, kaasi oo qarka u saaran in uu taariikh cusub oo aan horey u dhicin sameeyo.

Mudaneyaasha ayaa ku eedeeyay Oomaar in uu ku xadgudubtay Dastuurka Qaranka, isla markaana uu awooda u adeegsaday dano shaqsiyadeed oo ay kamid tahay is hortaaga Xildhibaano xasaanad leh.

Sharcidejiyeyaasha oo ku sugan Kismaayo ayaa u tegay ka qeybgalka caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo baaqatay.

Khayre ayaa wuxuu aad ugu dhow yahay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya taariikhda casriga ah ee xafiiska jooga afar sano oo xiriir ah isaga oo aanan wax khilaaf ah dhexmarin madaxweynaha.

Xayiraadda socdaalka Kismaayo ayaa qayb ka ah ismaandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxtooyadda iyo Axmed Madoobe.

Shaacinta Mooshinka ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo Arbacadda maanta ah uu furmay kalfadhiga 6aad ee Aqalka Hoose, kaasi oo noqon doono mid kamid ah kuwii u dambeeyay maadaama mudada xileedkoodu dhamaad yahay.