Mid kamid ah Dagaaladii ugu xooganaa oo Caawa ka socda N.50 & Shabaab oo Awood lasoo baxay

War goordhow nasoo gaaray  ayaa sheegayaa in dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowaldda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanka lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa marka hore ku bilaawday tiro Madaafiic ah oo ay Al-Shabaab ku garaaceen Fariisinka Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ee deegaankaas taas oo markii dambe keentay in uu dagaal toos ah dhexmaro labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay ka weerareen laba jiho oo kala ah Galbeedka iyo dhinaca Koonfureed ee degmada lambar Konton.

Dagaalka ayaa weli halkasi ka socda welina lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas maadaama ay tahay xili habeen ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)