Meydka Wiil 6 Jir Ah oo Laga Helay Musqul Ku Dhex Taalla Iskuul Uu Wax Ka Dhiganayey

Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa aheyn mid ku cusub Dalka Koonfur Africa Dad la dilay ama la dhibaateeyey iyadoo War aan lagu Farxin laga soo sheegayo Dalkaasi.

Mid kamid ah Iskuulaadka ku yaalla Gobolka Limpopo ayaa waxa laga helay Musqul ku taalla Meydka Wiil lix jir ah oo Ardayda Iskuulkaasi ka mid ahaa.

RIIX HALKAAN SI AAD U ARAGTO XOG KUSAABSAN MEYDKA WIILKA LA HELAY

Dorothy Langa Primary School ayaana ay wax ka dhaceen oo meydka cunugaasi yar laga helay Musqul ku taalla iyadoo iskuulkaasi uu ku yaallo magaalada Polokwane, Gobolka Limpopo.

Dilka ayaa dhacay Jimcihii oo meydka laga helay Suuliga Iskuulka sida uu xaqiijiyey Korneel katirsan Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Moatshe Ngoepe.

Iskuulka ayaa ah qaab BOARDING (Kuleej ardayda ay Jiiftaan waxna lagu baro),waxaana la ogeyn dilkaasi waxa sababay Cunugaasi Lix jirka ahaa.

Booliska waxay sheegeen inay baaritaan wadaan sida dilka udhacay,dibna ay faah faahin kasoo gudbin doonaan.

Waxaa Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)