Meydka Sargaal Katirsanaa Villa Somalia Oo Laga Helay Hoteel Caan Ah

Sarkaal katirsanaa ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo gaabiyey magaciisa Shariif ayaa laga soo saaray meydkiisa hotel ku yaalla isgoyska ceel-gaabta ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa kaxeystay maamulka Hotelka si loo ogaado xogo ku saabsan dhimashada Sarkaalkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku kulmeen qolka uu ka deggenaa Gabar uga sii hormartay qolkiisa asaguna uu dib ka yimid.

Gabadhiina meesha ayey isaga baxsatay, illaa hadda ma cada sababta dhimashada Sarkaalkaan oo degganaa Hoteelka Ridwaan.