Meydka Qof Dhalinyaro Ah Oo Maanta Laga Helay Webiga Shabelle Qeybta Uu Ka Maro Jowhar

Sida ay inoo sheegeen dad kusugan Degmada Jowhar wiil dhalinyaro ah ayaa maanta ku dhintay Webiga Shabelle qeybta uu ka maro Magaaladas.

Wiilkaan dhalinyarada ah oo ka tegay Muqdisho maalmo ka hor ayaa waxaa la sheegay in barqanimadii maanta laga helay meydkiisa webiga.

Inkastoo muddooyinkii lasoo dhaafay webiga uu sii gurayey ayaa hadana ciyaalka Jowhar Ku dhaqan ay iskaga dhex ciyaarayeen Bartanka webiga iyo halka loo yaqaano Xiintoyda Jowhar.

Waxaa meydka wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo da’diisa lagu khiyaasay 22 ilaa 25 jir waxaana aysan noqoneyn markii 1aad oo Webiga Jowhar dhexmara uu sababay dhimashada dad ku qubeysanayey. 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay