Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo goordhaw laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiay meydka allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo khamiistii ku geeriyooday Isbitaal kuyaala dalka Qadar.

Masuuliiin kala duwan oo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo dad kale oo ka tiiraanyeensan geerida Gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa garoonka ku sugayay meydka marxuunka.

Allaha u naxariisee Meydka Marxuum Cabduraxmaan Yariisow ayaa la filayaa in janaaso lagu dukado kadibna aas qaran ay ka qeyb galayaan Madax kala duwan isla maanta loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here