Meydka Cunug Yar oo Laga Helay Xeebta Geel Laq Ee Degmada X/Weyne {Warbixin}

Laamaha Amniga Degmada Xamar Weyne ayaa waxay xaqiijiyeen in Meydka Cunug yar ay Badda Soo Caarisey kaasi oo Maalintii Jimcaha loo maleenayo in Badda ay Qaaday.

Meydka Cunugaan Yar oo La Aqoonsan waayey ayaa la dhigay Xarunta Dembi baarista CID-da Muqdisho si dadkiisa ay usoo raadsadaan.

Da’ahaan Cunugaan waxaa lagu qiyaasay 10 ilaa 15 Jir waxaana meydkiisa la geeyey Xarunta Dembi baarista oo qofkii ubaahan uu soo arki karaa.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne Xasan Duulane Xersi ayaa Saxaafada usheegay inay ka xun yihiin waalidiinta Carruurtooda aysan ka warqabin Baddana aysan u ogolaanin.

Inta badan Maalmaha fasaxa Ee khamiista iyo Jimcaha ayaa Carruur Badan ay Badda udabaal tegaan iyagoo aan Dabaal aqoon oo sidaana badda ay ku qaado.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)