Maxkamadda Hargeysa oo Xariga Coldoon ku tilmaantay mid sharci darro ah loona marin wada toos ah

Waxaa saakay la hor geeyay Maxakamada Gobolka Marodi Jeex  Weriye  Abdilmalik Muusa Coldoon halkaasi oo la doonayay in dacwadiisa laga furo.

Balse guddoomiyaha Maxakamada  gobolka ayaa dacwad oogayaasha waxa uu ka diiday dalabkoodii waxaa uuna ku sababeeyay dhowr  qodob oo kala ah:

1) inaan Suxufiga xadhigiisa loo marin sharciga, amar qabashana aan lagu Soo xidhin,

2)in aanu ikhtisaas dhuleed u lahayn dhegaysiga dacwadan maadama baaxadiisu ku eeg tahay Gobolka maroodi jeex,

3) inaan xataa la hor gayn maxkamadii magaaldiisa oo lagala xishooday in la hor geeyo,

4) in maxkamada sare aanay soo saarin qaraar  soo wareejin gal dacawadeed oo heerka darjada kow aad ah,

5) in nabarada uu qabo Suxufigu la geeyo Isbitaal si loogu daweeyo xaalada dhaawaca jireed ee Soo gaadhay,

CabdiMaalik Coldoon ayaa maxkamada ka hor  sheegay in dhaawacyada aysan soo gaarsiin Ciidamadu balse ay soo gaareen intii uu isku dayayay in uu ka fakado Ciidamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex  ayaa sheegay in uu walaac  ka qabo in Boolisku uu diido soo jeedintiisa  oo ay guddoomiyaha Maxkamada  sare ka codsadaan in la amro in Maroodi Jeex lagu dhegaysto kiiskan.

Taasina aysan u wanaagsaneyn  laba sababood darteed uma wanaagsana

1) In aan la Ixtiraamin ku dhaqankii sharciga oo waajibinaya ikhtisaas dhuleed

2) In ay ka dhalanayso is ixtiraamayn Maxkamadaha gobolada dhexmarta

3) In loo arko maxkamadaha  gobolada ku yaala inaanay lahayn awood  ay kiis ku galaan taasina waxa ay u muuqataa yasmo

4)Ugu dambeyn waa fool xumo in qof Sool ama Sanaag laga soo xiray la igu yaraahdo Hargeysa noogu dhageyso kiiskiisa, arintaasna in badan ayay nagusoo noq-noqotay, Ayuu yiri Guddomiyuhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here