Maxkamad Ku Taalla Turkiga Oo Sanado Xabsi Ah Maanta Ku Riday Wariye Caan Ah [MAGACIISA]

Maxkamad ku taalla Dalka Turkiga ayaa Xukun ku riday Wariye Caan Ka Ah Dalkaas iyadoo Qolyaha Xoriyatul Qowlka ay ka hadlayaan Xukunkaasi.

Maanta oo Khamiis ah ayaa Haweeneyda lagu magacaabo Ayla Albayrak waxa lagu Xukumay Labo Sano iyo Hal bil iyadoo Lagu Helay Fal Dembiyeed ah inay taageertay Warbixin ay ka diyaarisey Jabhada La dagaalameysa Dawlada Turkiga.

Ayla Albayrak ayaa qareenada udoodayey isku dayey inay difaacaan balse Xeer beegtida ayaa cadeymo loo soo bandhigay waxay keentay inay Xabsi gasho.

Haweeneydaan ayaa ushaqeysa Warsidaha Mareykanka Laga Leeyahay Ee Wall Street Journal waxaana warbixintaasi ay daabacday Sanadkii 2015-kii.

Ayla ayaa Asal Ahaan Turkiga udhalatay waxayna sidoo kale Heysataa Dhalashada Waddanka Finland.

Waxaa Warbixintaan Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)