Maxey dowlada Soomaaliya ka tiri Militerigii Gadoodka ka sameeyay Buulo-Burde (DHAGAYSO)

Ciidamo katirsan Militeriga Soomaaliya ayaa gadood ka sameeyay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan kadib markii ay sheegeen ineysan wax mushaar ah helin bilihii lasoo dhaafay.

Hase ahaatee maamulka gobolka Hiiraan ayaa beeniyay jiritaanka warkaas iyagoo sheegay ineysan jirin ciidamo gadood sameeyay.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji ayaa isagoo ku sugan magaaladda Buulo-burde sheegay in ciidamada ay yihiin kuwa qanacsan oo aysan jirin wax gadood ah oo ay sameeyeen.

Hoos ka dhagayso Wareysiga

Warar si madax banaan ay heshay baahin.net ayaa xaqiijinaya in ciidamadaas ay gadood sameeyeen laakiin markii dambe la xaliyay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay