Maxay tujaarta caalamka u iibsanayaan baasaboorka Malta?

Guddi ka socda Midowga Yurub ayaa booqanaya dalka Malta si ay “baaritaan ugu sameeyaan sharciga iyo kala dambeynta dalkaas”, iyadoo uu soo badanayo fashilka ka dhalanaya baaritaanka la xiriira dilkii Weriye Daphne Caruana Galizia.

Dilka haweeneydaas ahayd saxafi baaritaannada ee 2017-kii, wuxuu gilgilay siyaasadda Malta, wuxuuna dibadda soo dhigay eedo la xiriira musuqmaasuq baahsan iyo hannaan cadaalad oo aad u liita.

Waxaa sii badanaya dabagalka waxa lagu tilmaamay “baasaboorrada dahabiga ah” kaas oo wafdiga Baarlamaanka EU uu ku tilmaamay in uu sababayo halis ah “in burcadda iyo dadka isdaba mariya lacagaha ay ku fafaan Midowga Yurub oo dhan”.

Iibinta dhalashada waxay noqotay suuq wayne oo caalamka ka jira oo dadka dhaqaalaha haysta ay raadinayaan si canshuur yar ay u bixiyaan, waxbarasho fiican ay u helaan ama dano siyaasadeed ay u gaaraan.

Laakiin, qiimaha uu joogo baasaboorkaas Malta waa imisa, maxaase laga ogyahay kuwa iibsanaya?

Sideed u iibsaneysaa dhalashada Malta?

Dowladda waxay barnaamijkaas shaacisay sannadkii 2014-kii si ay u soo jiidato dadka hantiilayaasha ah iyo maalgelin. Si aad baasaboorkaas u hesho waa inaad bixisaa:

  • $728,676 (€650,000/£554,000) oo aad siiso mashruuca qaran ee horumarinta
  • €150,000 ($166,000) oo aad ku darto suuqa saamiyada ee Malta
  • In aad iibsato guri qiimihiisu yahay ugu yaraan €350,000 ($387,334) ama in aad kireysato guri sannadkii ah €16,000 ($17,706)

Taas waxay noqoneysaa lacag gaareysa €1,150,000 ($1,272,670), waxayna ka badan tahay €900,000 ($996,003) oo ah qiimaha ay bixisay haweeneyda ka tirsan baarlamaanka Netherlands, Sophie in’t Veld.

Dadka dhalashada qaadanaya waa in ugu yaraan 12 bilood ay haysteen degannaanshaha joogto ah ee dalkaas, in kastoo aan looga baahneyn in shaqsi ahaan uu dalka joogay muddadaas.

Waxaa jiro illaa 833 oo maalgashadayaal ah iyo 2,109 oo qoysas ah oo helay baasaboorka Malta tan iyo markii barnaamijkan la billaabay.

Qofka haysta baasaboorka Malta waxaa u suuragelayso in fiiso ama dal-ku-gal la’aan uu ku dhex safro Yurub, maadaama ay Malta qeyb ka tahay heshiiskii Schengen.

The number of Maltese golden passport

Muddadii u dhexeysay sannadkii 2017-kii illaa 2018-kii, waxay Malta barnaamijkaas ka faa’iday €162,375,000 ($179,695,541) taas oo dakhliga Malta ku kordhisay boqolkiiba 1.38%, muddadaas, in kastoo 2018-kii uu hoos u dhacay iibsiga baasaboorka dalkaas.

Waxaa cad in dhiiragelin ay helayaan dalalka yaryar sida Malta in barnaamij noocaas ah ay sameeyaan si ay u soo jiitaan dhaqaale xoogleh oo maalgashi.

“Dalal badan oo yaryar, waxay noqdeen kuwo ku tiirsan lacagta ka soo gasha qorshayaasha noocan ah,” ayuu yiri Luuk van der Baaren, oo ah cilmi-baare arrimaha socdaalka ee Machadka Midowga Yurub ee Florence.

Yaa iibsanaya Baasaboorka Malta?

Dowladda Malta ma aysan sii deyn macluumaadka shaqsiyaadka iibsaday basaboorka iyo dalalka ay ka soo jeedaan kuwa helay £baasaboorka dahabiga ah”, laakiin waxay shaaciyeen qaaradaha ay ka yimaadeen.

Yurub waa qaaradda ugu badan ee dadkeeda ay iibsanayaan baasaboorka dalkaas, waxaana ku xiga Africa, Gacanka Carabta iyo Aasiya.

Sikastaba, dalalka Midowga Yurub waxaa qasab ku ah in ay shaaciyaan hantida ay ka helaan iibinta baasaboorrada dalalkaas – iyo dadka sannadkaas noqday muwaadiniin.

Ka dib markii sharcigaas laga hirgeliyay Malta, sannadkii 2014-kii, dadkii ugu badnaa ee dhalashada dalkaas qaatay waxay ka soo kala jeedeen Sacuudiga, Ruushka iyo Shiinaha.

Waxaa jiri karo sababo macquul ah oo dadka qaar ku khasbaya in ay helaan baasaboorka dal kale, laakiin waxaa jiro eedo ah in baasaboorka Malta si xun loo adeegsanayo.

Golaha Midowga yurub waxay Bishii January 2019-kii soo saareen warbixin lagu sheegay in walaac laga qabo barnaamijkaas Malta kaas oo aan “dadka aad u xakameyneyn” marka loo eego dalalka kale ee Yurub.

The origin of naturalised Maltese citizensTusaale ahaan, qofka codsanaya baasaboorka dalkaas loogama aahno in uu shaqsi ahaan deggan yahay dalkaas, mana loo baahno in dalka uu horey u imaan jiray iyo in kale.

Hay’adda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD) waxay 2018-kii sheegtay in Malta ay diiwaanka madow ku dareyso sababo la xiriira in dalkaas uu noqonayo meel ay ku dhuuntaan kuwa la soo goosta canshuuraha ee helaya “baasaboorka dahabiga ah”.

Dowladda Malta waxay ku adkeysatay in dadka codsanaya sharcigooda ay baaritaan adag ku sameeyaan gaar ahaan kuwa siyaasiyiinta ah.