Maxaadan Ogayn Oo Kusoo Kordhay Xiisadii udhexaysay Muuse Suudi Iyo DFS…

warar ay helayso Badweyntimes Ayaa sheegaya in xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Senetor Muuse Suudi Yalaxow iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya in Muuse laga saaro dhismaha xaruntii ciidamada Badda.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in odayaal matalaya Muuse Suudi Yalaxow ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo kala hadlay xiisadda ka dhalatay amar uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Muuse Suudi, ayaa ka hor yimid in xoog looga saaro dhismooyin uu ku leeyahay xerada Ciidamada Badda, isaga oo ku dooday inuu heysto sharciyadda dhismayaasha uu ku leeyahay degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Amb Diinaari oo ka tirsan xarunta Talo soojeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay inay la kulmeen odayaasha matalayay Muuse Suudi, islamarkaana ay ku wargeliyeen in la xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray, islamarkaana la iska gartay in xiisadda hoos loo dhigo.

Wuxuu sheegay in hadda xiisadda aysan ka jirin goobihii maalmihii ugu dambeeyay ciidamada amaanka isku horfadhiyeen, waxaana dadaalka ugu badan bixiyay Imaamka Muddulood.

“Waxaan u tagnay Imaamka beelaha Mudulood iyo Ugaaska beesha, waxay labadooda noo cadeeyay in 90% ay dhamaatay xiisaddii taagneyd, kadib kulan ay la qaateen madaxweynaha, waxay labadooda xil weyn iska saareen sidii xiisadda loo dhameyn lahaa” “Sida loo xaliyay waxay sheegeen inay iyaga ku baxeen madaxweynaha la kulmeen, kadibna ay dib ugu laabteen odayaashii Muuse matalaysay, waxayna noo sheegeen in arintaasi badi ay dhamaatay”.

Maalmihii ugu dambeeyay cabsi xoogan ayaa ka jirtay xaafadda Mirinaayo degmada C/Casiis, kadib markii difaacyo ay galeen ciidamada daacadda u ah Muuse Suudi Yalaxow, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka Muuse iyo madaxda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here