Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka BFS?

Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 28-ka September 2020 waxaa jira fadhigooda caadiga ah, fariin loo diray Xildhibaannada lagu wargeliyay in kulanka ay kasoo qaybgalaan.

Ajendaha kulanka waa Aqrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka DHismaha Hay’adadda Diiwaangelinta Dadweynaha & Bixinta Aqoonsiga iyo Aqrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Golaha waxaa hortagaya Guddiyada qaabilsan labada Ajende ee fadhigooda maanta loo xulay si ay sharaxaad guud u siiyaan Xildhibaannada Aqalka Shacabka BFS si Aqrinta 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo u codeynta loo mariyo.

Sharciga Qaxootiga ku saabsan waxaa Golaha loo gudbinayaa Soomaali badan oo dalka ka barakacday oo qaarkood haatan kunool dalal kala duwan, dad ku xayirnaa waddamada qaar iyo sida laga yeelayo.

Golaha Shacabka ayaa ku guda jira kulamadii ugu dambeeyay ee Kalfadhiga ugu dambeeyo mddo xileedkooda 4-ta sano ah, waxaana bisha Nofeember dalka uu aadayaa doorashada Baarlamaanka oo hordhac u ah dhismaha Dowladda qaadaneysa afarta sano ee soo socota.