Maxaa loo ogaan Waayay Xaalada Sargaal Fa’iza Abdirashiid ?

Hadalkaan anigu ma oran, ee waxaa Tiri Sargaal Faiza Abdirashiid oo ka Mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ‘’’Cidna iima Maqna Ceelne iima Qodno waxaa Xildhibaanka Codkiisa uu ku Gadanaa 150 Kun oo Dollar Faizane waxay weysan tahay qof u gar Gaara Xili ay Dhaawacantahay oo qaarka Hoose Jirkeeda Dareenka ka Tagay

Sargaal Faiza Xaqiiqdi runta ayay ka Hadashay oo waxa jira ayay sheegtay , waxayna sii Daba Dhigtay “Mudo dhowr bilood ah ah ay ku dhibaateysaneed Magaalada Muqdisho waxaana qoriga iyo tuutaha u qaadatay dowladnimo jaceyl, balse xiligaan, waxaan ogaaday in askartu soo food saartay dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah

Faiza Abdirashiid waxa ay sheegay in Askar fara badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Difaaca Dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hada Waxaa ka Socda Doorashooyinka Madaxweynaha Dalka iyagoo Madaxda Hada Jirta ay Faiza Abdirashiid u helin Fiiso Dalka Germany oo la sheegay in Xaaladeeda Wax Badan looga qaban karo

Marka Aad Aragto Xaalada Adag ay ku jirto Sargaal Faiza Abdirashiid waxaad Dareemeysaa Xanuun iyo Murugo Maadama ay Tahay Gabar Muwaadinnimada ay ka Muuqato hadane ku dhiiranaatay in ay Difaacdo Dalkeeda Hooyo Soomaaliya

Xaaladda ciidamada ee haatan waa mid ay si weyn uga argagaxaan bulshada Soomaaliyeed, waxaan arki jiray waagii hore marka la arko Askari in shacabku dhiniciisa u cararaan,

Nin odey ah oo Mid ah Askartii hore ayaa Wax ka Weydiiyay Xaalada Caafimaad ee Sargaal Faiza Abdirashiid waxa uuna ii sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wax Badan ka qaban Karto Xaalada Caafimaad ee Faiza Abdirashiid Balse Dowlada Soomaaliya usoo Jeedin Arintaasi

Xaaladda Faiza ayaa xiligaani waa mid aad u cakiran, haddii aan deg deg wax looga qaban oo aan la baahi tirin ay Xaaladeeda Halis Gali Karto

Arinta kale oo Murugada I Galisay ayaa ah in Fiza Abdirashiid ay Tahay Hooyo dhashay laba Caruur hadane maku istaagi karo lugaheeda.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ka qaaday Sargaal Faiza waxayna Howlo Caafimaad ah u Gaarsiyeen Dalka Turkiya oo Soomaaliya Caawiya

Takhaatiirta Dalka Turkiya ayaa Sheegay in Xaalada Caafimaad wax loogu qaban karo Dalka Germny Hadane waxaa Arintaasi dhagaha ka xertay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo u sahli karto Caafimaad Lacag la,aan ah oo Dalka Germny loogu qaado Faiza Abdirashiid

Barteeda Facebook ayay soo dhigtay Qoraarlo Xanuun iyo Murugo igu Reebtay Waxaana ka mid ahaa qoraalada

Asc Qalbiga i olala oof baa ihesa ililada dareenka imaqan qofki ii damqan lahaay orod buu ku jira anigana wuu i ilobay alow imaciin

SOMALIYEEY DHAMAAN???

Waxan lafa karaa Anigo cidina imaqaneen

Cagahegana aan hesan Caadil waxaan ka barya inuu cawaba dareen isiiyo oo durbatina

aan helo awood aan ku ogado gaaditaan iga socoto har iyo habeen allow adiga awood leh

Aadane ha igu haleen awood umalihi halaq yada hee habo kuwa yaco naftayda dayacaneey daa inbaa kumaqan iyo ducada walalaha danyar baan ahay dumar nimo miya laygu ciila away Madaxweyne ii dam qdto dhaqtar ila dacala wale dhagar qabayashi cadaw aan ka kaashaman jiray igama so keeyo cawa Gaam beenada labuxiyay iyo Xildhibaan ka codkisa lagu kadanayo 150,000$ waa la awooda Faaiso mustaqbalkeeda mala bad baadi karo miya allow amuraha sahal CXDS gobanimo ku waara waligiin Ogow uqubada Faaiso dad badan ayay ka soo baxeesa dadka idhahayo Imaaradka kawaran qalbigey iga jab sheeen Ciil waxa ka baxa qofkii dowladnimo ku faaano Allow Amuuraha sahal

Runti Markaad Aragto Ereyda Murugada leh ee soo Dhigeyso Barteeda Facebook Qof kasta oo Muslim ah waxaa uu Dareemayaa Damqasho Xanuun Badan

Mar aan qadka Telefoonka kula Hadlay Sargaal Faaiza ayaa ii sheegtay in Hada ay sugeyso Madaxweyne wax ka qabta Xanuunkeeda oo la qeybsada Xanuunka

Isku soo wada duuboo xaaladda Caafimaad Faiza ee xiligaan waa mid aan laga sheekeyn karin, waana xaqiiq warkii ka soo yeeray Sargaal Faiza ee ahaa (Cidna iima Maqna Ceelne iima Qodna Xildhibaanku Codkiisa waxa uu ku Iib sanaa 150 Kun oo Dollar

Xildhibaane Codkaga sii Hoggaamiye wanaagsan oo Faiza Abdirashiid wax u qabta.

W/D:- A/waahid Ahmed Geedi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay