Maxaa Kasoo Baxay Kulan Xasaasi Ah Oo MD Farmaajo Xalay G/Kacyo Kula Qaatay Gaas iyo Xaaf?

Shalay Gelinkii dambe Ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Safar Dhulka ah ku gaaray Magaalada Gaalkacyo Ee Caasimada Gobolka Mudug,kaasi oo ay kasoo kicitimeen Magaalada Boosaaso.

Waxa Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay ku hoydeen Xalay Magaaladaasi,waxaana ay kulan Xasaasi ah la qaateen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Inkastoo si weyn looga sugayo dhinaca Galmudug maanta inuu safar kaga bilowdaan Wafdigaasi dhinaca Koonfurta Gaalkacyo,ayaa waxa uu la shiray C/weli Gaas iyo Axmed Xaaf kuna booriyey in Nabad gelyada laga shaqeeyo.

Ilo ku dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay sheegeen in Socdaalkani oo loogu magac daray Dib uheshiisiinta Soomaalida ay meel wanaagsan mareyso.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa hadda waxa saaran Culeys weyn maadaama Axada Maanta wixii ka dambeeya uu marti u yahay Wafdiga Farmaajo horkacayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay