Maxaa ka soo baxay kulan uu Rooble la yeeshay madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir?

Waxaa xogo kala duwan laga helayaa kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xussen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Online ahaa.

Wadahadalkan oo ahaa kii u horreeyay kaddib heshiiskii doorashada ee 27 May ayey Mas’uuliyiintu kaga wada hadleen dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka

Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu dambeyn isku raacay in maalinta Sabtida soo socota ay shir Muqdisho isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Benaadir.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo qodobo la xiriira doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada.

Sidoo kale waxaa dhawaan la xareyn doonaa guddiyada doorashada kuwaa oo tababar loo furi doono iyadoo Ra’isul Wasaare Rooble uu la wareegay amniga guud ee doorashooyinka dalka.