Masuuliyiinta Laamaha Amaanka Oo Kawalaacan Kulanka Golaha BFS Xili Su,aalo Laga waydiinayo..

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in madaxda laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ay hortagaan xildhibaannada Golaha Shacabka si su’aalo looga weydiiyay guud ahaanba xaalada nabad-galyo ee dalka gaar ahaan Amniga magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Amniga, Difaaca, Taliyeyaasha ciidamada Booliska , NISA iyo xoogga ayaa looga yeeray Baarlamaanka sidda uu horay u sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiintan looga yeeray Golaha Shacabka ayaa bilooyinkii ugu danbeeyayba hortagin xildhibaannada, waxaana u yeeristoodan ay imaneysa xili Amaanka magaalada Muqdisho siweyn looga deyrinayo marka la eego qaraxyada is daba jooga ah ee ka dhaca oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here