Masuul dowlada xil kahaayo oo awood kula wareegay qeybo kamid ah Muqdisho hadana tageersan mucaaradka

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ciidamo uu wato waxay la wareegeen Isgoyska Dabka.

Dagaal daba socday midka Lambar afar ayaa ka dhacay halkaasi iyadoo la isku adeegsaday hubka kala duwan.

Warar ayaa sheegaya in Ciidanka Jacfar Oo taageeraya Mucaaradka ay baxsadeen isgoyska Dabka ilaa Sayidka.

Booliska Haramacad ayaa dagaalka la galay ciidamada Jacfar lamana oga khasaaraha inta uu la eg yahay.

Faah Faahinta ayaa intaas ku dareysa in Taliyihii hore ee Danab General Ismaaciil Cabdimaalik uu qeyb ka ahaa weerarka Jacfar ku qabsaday Dabka.

Haramacad ayaa sheegay inay been abuur tahay in laga qabsaday Sayidka ilaa Isgoyska Dabka.

Wixii soo kordha insha allaah dib kala socda