Masjid Abaal marino siiyay caruur Salaada subax kusoo dukatay 40- maalin oo xiriir ah (Daawo Sawirada)

Masjid kuyaala magaalada Bangalore ee dalka Hindiya ayaa abaal marino ay ku farxeen siiyay 99-caruur ah oo si joogta ah masjidkaasi ugu soo dukaday 40-maalin oo xariir ah salaada subax.
Caruurta Muslimiinta ayaa loo balan qaaday in abaal marino lasii nayo hadii 40-subax oo xiriir ah salaada subax jameecada ku dukadaan, waxaana mashruuxan abaal marinta caruurta lagu siinayay iska kaashaday jameecada Masjidka.
Waxaa isku diiwaan galiyay in si joogto ah salaada subax 40-maalin ugu dukanayaan masjidka 200-oo caruur ah, hasa ahaatee waxaa ku guuleestay oo 40-maalin xiriir ah Jameecada aan laga waayin 99-caruur ah.
Caruurta guuleesatay ayaa loo qeybiyay baaskiilo ay u heleen abaal marin ahaan, waxaana talaabadan ay caruur badan ku dhiiro galisay in ay si joogta ah masaajidka ugu soo dukadaan salaadaha gaar ahaan salaada subax .
Masjidyo kale oo kuyaala wadamo kala duwan ayaa sidan oo kale horey abaal marino u siiyay caruur si joogta ah masaajidka ugu soo dukanayay, waxaana mashruucan caruurta lagu jecleesiinayo jameecada in ay ku dukadaan uu yahay mid sii fidaya.