Malaysi oo Ciidamo Ujeedo gaar ah damacsan u soo direysa Somalia..

Dowladda Malaysia ;ayaa ku dhawaaqday in ay qeyb ka mid ah Ciidamadeeda u soo direyso Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan amniga shaqaalaha gurmadka gargaarka ka qeybinaya Soomaaliya.

Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein.,; oo ah wasiirka gaashaandhigga dalka Malaysia ayaa sheegay in dalkiisa uu tiro yar oo ciidan ah u dirayo Soomaaliya si ay u sugaan amniga gargaar la filayo in laga qeybiyo Soomaaliya kaas oo la siinayo Dadka Soomaalida ah ee ay abaartu saameysay.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Siihayaha Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte waxaana codsi uu u gudbiyay kaddib ay golaha awasiirrada Malaysia shalay oo  jimco ahayd ansixiyeen in Malaysia ay gargaar iyo Askarba u dirto Soomaaliya.

Ciidamadana oo tiro kooban ah ayaa waxaa ay ka soo bixi doonaan Magaalada Riyaad ee xarunta Dalka Sucuudiga waxaana kaddib ay ka qeyb noqon doonaan ciidamada ilaalinaya bixinta gargaarka Caalamiga ah ee ku soo wajahan Soomaaliya.

Saddex Sarkaal iyo 17 Askari oo ka socda qeyb ta Caafimaadka ayaa iman doona Soomaaliya sida uu sheegay Hishammuddin,sidoo kale hal Sargaal iyo Toban Askari oo ciidanka lugta ah ayaa iman doona  waxaana ay xaqiijin doonaan amniga wafdi ka socda Malaysia oo imanaya Soomaaliya.

Malaysia oo wakiil ka ah Soomaaliya waxaa ay gargaar bani’adamnimo weydiisay waddamada Sucuudiga,Qadar,Baxreyn, iyo Waddamada Qaaradda Aasiya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay