Magacyada Wasiirada xilka ku weynaya isku shaandheynta uu damacsan yahay Kheyre

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku qanciyay in xilka laga qaado Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ka mid ah saaxiibada dhow ee Villa Soomaaliya.

Wasiir Isloow ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dhalleeco ku aadan inuu dayacay amniga guud ee dalka gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo Al-Shabaab dad badan ay ku dhibaateeyeen.

Inkastoo eedda Wasiir Isloow ay badneyd ahaydna in mar hore xilka laga qaado ayaa taageero muuqda iyo mid qarsoon intaba ka helayay Wasiirka koowaad ee dalka Xasan Cali Kheyre oo la ogyahay inuu u yahay gacantiisa midig.

Warar aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiir Isloow uu ku baxayo isku shaandheyn lagu wado in lagu sameeyo Xukuumadda Soomaaliya,taas oo sidoo kale saameyneysa xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada ee hadda shaqeeya.

Sidoo kale, inta aan ognahay waxay isku shaandheynta saameyneysaa Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Cabdi Maxamed Sabriye oo Dowladda ku gacan siiyay sidii ay ula wareegi lahayd deegaanadii ay gacanta ku hayeen ururka Ahlu suna ee gobolka Galgaduud.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya mudada sanadka iyo barka ah ee u haray inuu la yimaado dardar xooggan oo ku aadan dhanka horumarka iyo dimuqraadiyada ah,maadama uu doonayo inuu isku soo sharxo doorashada 2021,ka lagu wado iney dalka ka dhacdo.