Madaxweyne Xaaf Oo Qaabilay Wafdi Senetor C/Qeyb Diid Hogaaminayey

Madaxweynaha Galmudug Ee Weli sheeganaya inuu yahay Kan Sharciga ah Axmed Xaaf ayaa hoygiisa Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Wafdigaan ayaa waxa la sheegay inay iskugu jireen xildhibaano iyo siyaasiyiinta Beesha ku beel ah Axmed Ducaale Xaaf

Waxeyna labada dhinac kawada hadleen khilaafka iyo kala qeybsanaanta ka jira Maamulka Galmudug iyo sidii loo xalin lahaa arimaha jira.

Warar ayaa sheegaya in looga goleeyahay sidii Xaaf ugu dambeyn loogu soo gacan gelin lahaa Dawlada oo Xilka ku wareejin lahaa Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).