Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Boosaaso+Sawirro

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso.

Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

“Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa”

“iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso.

Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa horay toogasho iyo qaraxyo miino uga gaystay dagaalyahano la tuhunsanyahey in ay ka tirsanyihiin Daacish iyo Al shabaab, waxana hada ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here