Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Gaalkacyo & Amaanka oo la adkeeyay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne farmaajo ayaa ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso oo labadii maalin ee la soo dhaafay uu ku sugnaa,isagoo horay u soo maray deegaano iyo degmooyin u dhaxeeyo Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Si weyn ayaa magaalada Gaalkacyo loogu soo dhoweeyay madaxweyne Farmaajo iyo Wefdigiisa,waxaana shacab badan ay uga hortageen banaanka magaalada.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Waxgaradka,Mas’uuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Gaalkacyo.

Wuxuuna uga sii gudbi doonaa magaalooyin kale oo ka tirsan Galmudug.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay