Madaxweyne Deni Oo Shaaciyay In Dowladda Dhexe Ay Isku Dayday Iney Lacag Ku Aamusiso

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dhowr jeer isku dayday in ay ka leexiso go’aankiisa ah la xisaabtankeeda.

Deni oo shacabka Qardho la hadlayay ayaa ka codsaday in ay ku taageeraan go’aankiisa la xisaabtanka dowladda Federaalka ah si uu u dhici saamiga Shacabka Puntland ku leeyihiin dowladda dhexe.

Waxaa uu yiri “anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa,  dhowr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda”.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale ku faanay in Puntland ay tahay halka laga aas aasay midnimada Soomaaliya kuna adkeysanayaan in ay sii jirto.

Si guud ayuu dadweynaha Puntland uga codsaday in ay ka soo horjeestaan cidkasta oo isaga ku diiddan la xisaabtanka dowladda Federaalka ah maaddaama isaga uu yahay qofka Puntland matala ee la xisaabtamaya dowladda Soomaaliya.