Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay dhammaan hay’adaha puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Sidan oo kale waxaa amarkan hergelintiisa isku dayay dowladda Federalka oo ganacsiyada Muqdisho ku soo rogtay iney Af-Soomaali ku badalaan luuqadaha shisheeye.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xafiisyadeeda waxaa ku xardhan luuqado laqaad iyadoo inta badan xitaa Documents-yada lagu soo saaro Luuqada Englishka.