DHAGEYSO XOGTA:Madaxweynaha Uganda oo ka digay halista Itoobiya ay ku tahay Soomaaliya & Qorshaha ciidamada Itoobiya ay ujoogaan…

Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Muzaveni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kaalinta ay Dowlada Ethiopia ka qaadaneyso nabadeynta Somalia.

Yuweri Muzaveni, ayaa sheegay in Ugandha aysan u muuqan kaalin gaara oo Ciidamada Ethiopia ka qaaten nabadeynta Somalia waxa uuna tilmaamay in Somalia ay nabadeeyen Ciidamada Ugandha.

Yuweri Muzaveni, waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia kala bar ay yihiin kuwo aan ka mid aheyn AMISOM, isla markaana sharci daro ku jooga Gobolada Somalia.

Waxa uu Yuweri Muzaveni tilmaamay in Ujeedka fog ee Ciidamada Ethiopia uu yahay inay shaki galiyaan suuragalnimada in Gobolada dalka ay ka dhacdo nabadgalyo.

Yuweri Muzaveni ayaa yiri ”Wey muuqataa cida nabadeysay Somalia maaha Ethiopia ama dal kale ee waa Ugandha carruurta Soomaalida xitaa haddii aad weydiiso su’aashaasi wey kaaga jawaabayaan.

Yuweri Muzaveni, ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay tahay mid ka shaqeyneysa maslaxadeeda waxa uuna si cad u sheegay in Ciidamada ka jooga Somalia aysan aheyn kuwo nabad ka dhaliya Gobolada dalka, balse waxa ay yihiin kuwa mashquuliya Al-shabaab si aanu u galin Ethiopia.

Yuweri Muzaveni, ayaa adduunka ugu baaqay inay il gaara ku eegaan Somalia oo iminka kasii baxeysa qalalaasada amni darro waxa uuna cadeeyay in Somalia ay u harsan tahay muddo yar inay lamid noqoto dowladaha kale ee Africa.

Haddalka Yuweri Muzaveni, ayaa imaanaya xili uu Khilaaf Siyaasadeed ka dhextaagan yahay Dowladaha Somalia iyo Ethiopia.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Soomaali RUN AH says:

    Yuweri Muzaveni, Wuxuu kahadlay waa xaqiiqo jirta
    inbadan oo Soomaalida kamid ah iyagoo og sidaas uu muzaveni u sheegay in ay tahay siyaasada Itoobiya ayay ku gacansiiyaan burburinta Soomaaliya,
    WAA YAABE SOOMAALIDA DABADHILIFKA U AH ITOOBIYA maxaa damiirkoodi kudhacay???

  2. Galbeedi says:

    Somalidu ma aha QOWMIYAD e waa Qabaail kala duwan oo ay colaad iyo calool-xumo wada dhextaallo. In somalidu noqoto dawlad waxay u dhawayd lixdankii, hayeeshee waxaa Ka dhacay wixii Ka dhacay illaa la soo gaadhay in DAWLADDII LA DHOOB-DHOOBAY AY ISU ROGTAY WAXA LOO YAQAAN FAQASH.
    FAQASH macnaheedu waa dawlad weerarta shicibka iyadoo fulinaysa ujeedooyin ku dhisan nacayb QABIIL GAAR AH.
    DAWLAD SOMALI WADA LEEDAHAY KA DHALAN MAYSO MUUQDISHO E WUXUUN BAA JIRI DOONA KOOXO LAGA MAAMULO ADDIS, NAIROBI IYO BULSHADA CAALAMKA (LONDON,WASHINGTON, PARIS ROME ETC).