Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo gaaray Magaalada Dubai+Ujeedka

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku tegey wadanka Imaaraadka Carabta waxaana lagu wadaa inuu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta u sarraysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ujeedka booqashadiisa ee isutagga imaaraadka carabta ayaa ah in uu kala hadlo shirkadda DP World heshiisyadii ay hore shirkadu ula gashay Maamulka Puntland gaar ahaan dhismaha dekeda Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai 15-kii April 2019 ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, iyagoo ka wadahadlay dardar gelinta dhismaha Dekedda.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta.