Madaxweynaha Puntland Oo Dhabar Jabkii Ugu Xumaa La Kulmaya & Ciidan Furumaha Maanta Ka Baxay

Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa waxa la sheegay in maanta gelinkii hore ay furumaha Dagaalka ka baxeen Aagga Buuraha Gal gala.

Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ciidamada ay ka baxeen sababo gadood ay sameeyeen lagu sheegay.

Ciidanka waxay ka cabanayaan Mushaar aysan bilo helin kuwaas oo la tilmaamay in Madaxda Puntland ay Baaq udireen balse looga soo jawaabi waayey.

Taliska Ciidamada Puntland kama aysan jawaabin Cabashadaan soo korortay Ee Ciidamada Qaar sheegeen inay keentay inay Furumaha soo baneeyaan.

Madaxweynaha Punland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dhabar jab xoog leh la kulmaya iyadoo lasoo warinayo in ciidanka ku cabanaya Mushaar la’aanta ay kuwo kale suurta gal tahay in ay kasoo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here