Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Cabudwaaq & Ciidamada oo hor istaagay Banaanbax ka dhan ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor ) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Cabudwaaq kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Bulshada ku nool,waxaana xalay ilaa Maantaay ku sugnaayeen degaannada Dhabad ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo kulamo kala duwan degaankaas kula lahaa Odayaasha iyo waxgaradka degaankaas.

Madaxweynaha Galmudug oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan ay la qaataan Bulshada iyo Maamulka degmada oo qaarkood Maamulka Galmudug cabasho ka qaba.