Madaxweynaha Ethiopia oo shaacisay halista gobolka ka heysato koox kusugan gudaha Soomaali

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde oo ka hor hadleysay shirka Golaha loo dhanyahay Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dhawaanahaan sameyneysay horumarro la taaban karo.

Waxa ay sheegtay in Soomaaliya guulo lataaban karo ka gaartay dagaalka ay kula jirto,dhismaha hay’adaha Dowliga ah,dhaqaalaha iyo arimaha Doorashoyinka.

“Soomaaliya waxa ay samaynaysay hormar sanadii ugu dambeeyay, waxaana sii adkaanayay hay’adaha Dowliga ah iyada oo la qorshaynayo in doorasho dhacdo sanadka 2020” ayay tiri Sahle-Work Zewde oo ah Madaxweynaha Itoobiya.

Waxa ay sheegtay in ay wali jirto Khatar xoog leh oo ka imaanaysa Al shabaab Al shabaab waxa ay wali Khatar ku yihiin Gobolka oo dhan,taas badalkeedna waxaa jira hormaro badan oo lagu gaaray nafhornimada ee ay samaynayaan Ciidanka Midowga afrika ee AMISOM iyo Ciidan qaranka Soomaaliyeed”.

Hawaynaydaan oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay in loo baahanyahey Taageero dhaqaale oo la siiyo AMISOM si ay u siiwadaan dagaalka ay kula jiraan Al shabaab, Saaxiibada beesha Caalamkuna masuulliyad iska saaraan arintaan.

”Hadda iyada oo ay jiraan hormarada laga gaaray dagaalka Al shabaab ayaan hadana waxaa laga maarmin taageero dhaqaalo oo joogto ah in loo helo AMISOM, Saaxiibadeen waa in ay ogaadaan oo ay sii adkeeyaan masuuliyadooda”  yay hadalkeeda siiraacisay Zewde.

Dowlada Itoobiya ayaa ka mid ah wadama ay Ciidanka Badan ka joogaan Soomaaliya, waxa ayna ku howl galaan Magaca AMISOM,iyaga oo Saldhigyo ku leh Gobolada Gedo,Hiiraan,Baay,Bakool iyo deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose iyo Jubba hoose.