Madaxda Puntland oo hanjabaado udirtay shaqaalaha rayidka ee maamulkaasi

Xasan Shire Abgaal Wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay masuuliyiinta  ku tagri fala xoolaha dadweynaha iyo habka ay puntland kula dhaqmi doonto, isagoona sheegay in la toogan doono dadka ku kaca musuq maasuqa.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda mamulka Puntland ay xabsiga dhigtay xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland oo ku eedaysan inay galeen falal musuq maasuq la xiriira ayna digniin u tahay qof walba oo musuq maasuq ku kaca

Sidioo kale Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Xassan Shire Cabdi ayaa sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo loo xiray musuq maasuq isagoo xusay in maxkamad la horgeyn doono dadkaasi ku eedaysan musuq maasuqa.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Puntland ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay kadib markii uu kormeeray shaqada ka socota dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here